Home Wararka Ciyaaraha Roy Keane oo u sheegay kooxdaasi inay suuqa xagaagan iska dirto...

Roy Keane oo u sheegay kooxdaasi inay suuqa xagaagan iska dirto David De Gea

0

Kabtankii hore ee Manchester United ee Roy Keane ayaa u sheegay kooxdaasi inay suuqa xagaagan ka gudubto oo iska dirto shabaq ilaaliyaheeda David De Gea oo xilli ciyaareed isku dhafan soo qaatay.

De Gea ayaa ku guuleystay abaalmarinta gacanta dahabka ah maadaama uu kulamada ugu badan shabaqiisa ilaashaday Premier League, shalay ayuu Old Trafford la yimid abaalmarintaas iyadoo xiddigaha kooxdu sawiro kula galeen.

32 sano jirkaas ayaa shabaqiisa soo ilaashada 17 kulan isagoo 3 kulan dheer goolhayaha ugu soo dhaw oo ah Alisson Becker.

Si kastaba, David ayaan qancin Roy Keane oo aaminsan in haddii kooxdu doonayso inay horumar ku samayso kacaanka tababare Erik Ten Hag ay tahay inay iska diraan goolhayaha ree Spain oo uusan kooxda wadada koobabka kusoo celin karin.

Previous articleHarry Kane oo barbarreeyey rikoodh taariikhi ah oo u yaallay horyaalka Premier League
Next articleKylian Mbappe oo shaaciyey go’aanka mustaqbalkiisa iyo kooxda uu u ciyaari doono xilli ciyaareedka dambe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here