Home Warar Ciyaaraha Maanta Ruben Amorim oo digniin u diray shan ciyaartoy oo Manchester United

Ruben Amorim oo digniin u diray shan ciyaartoy oo Manchester United

0

Ruben Amorim ayaa digniin u diray shan ciyaartoy oo Manchester United ah wareysigiisii ugu horreeyay tan iyo markii loo magacaabay maamulaha cusub ee kooxda.

Amorim ayaa wareysi siiyay MUTV kahor kulankiisii ugu horreeyay ee uu kooxda hoggaaminayo, iyada oo Red Devils ay u safri doonaan Ipswich Town Axadda soo socota, Noofambar 24.

Wareysi ballaaran oo uu bixiyay, Amorim ayaa ka hadlay falsafaddiisa kubadda cagta, wuxuu shaaciyay waxyaabaha uu mudnaanta siinayo, sidoo kalena wuxuu sharaxay sababta halyeyga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo uu ugu naanaysay macallinkii hore ee Sporting Lisbon ‘gabyaaga’.

Mar si toos ah wax looga weydiiyay shan ciyaartoy oo United ah – Kobbie Mainoo, Alejandro Garnacho, Amad Diallo, Rasmus Hojlund iyo Leny Yoro – iyadoo la xusay ‘rajada weyn’ ee kooxda ay ka qabto xirfadahooda mustaqbalka, Amorim ayaa ka digay in kooxdu aysan noqon doonin mid ku saleysan mustaqbal fog.

Amorim ayaa uga digay dhallinyaradaas in da’doodu aysan noqon karin marmarsiiyo ay ku qariyaan bandhigyada liita.

“Ma doonayo inaan iraahdo waxaan u baahanahay waqti sababtoo ah waxaan nahay koox dhallinyaro ah,” ayuu yiri Amorim. “Way diyaarsan yihiin. Waxey u diyaarsan yihiin inay la qabsadaan culayska ah inay u ciyaaraan Manchester United. Waa inay sidaas ahaadaan sababtoo ah halkaan ayey joogaan.

“Waxaan ognahay in ay waqti qaadan doonto, waxaana isku dayi doonaa inaan waqti ku helno ciyaaraha. Laakiin waa inaan bilownaa maalinta koowaad anagoo aan cabsi qabin, anagoo aan ka fikirin inay si liidata u ciyaaraan. Tani maskaxdayda kuma jirto. Waxay ku bilaaban doonaan maalinta ugu horreysa fikradeenna, si kastaba ha noqotee. Taasi waa ujeeddada.”

“Haddaan hal shay ka iraahdo, hadafkeyga ugu weyn, hadafkeyga ugu horreeya, waa inaan kala barto xirfada ciyaartooydeyda.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here