Manchester United ayaa diyaar u ah inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Chelsea, Christopher Nkunku, sida ay warinayso majalada France ee L’Equipe.
Red Devils ayaa doonaysa in ay xoojiso kooxdeeda, iyadoo xilli ciyaareedka Ruben Amorim uu todobaadkan la sugayo.
Ka hor fasaxa caalamiga ah ee November, United ayaa fadhiday booska 13-aad kala sarenta Premier League.
Bilawgii liitay ee kooxda ayaa keenay in la ceyriyo tababare Erik ten Hag bishii hore.
Waxa ay United doonaysaa in tababare Amorim uu lasoo baxo awood uu ku badbaadin karo ololaha kooxda, oo u muuqda midkii ugu liitay.
Waxaa la rumeysan yahay in Nkunku uusan ku faraxsaneyn kooxda uu hogamiyo Enzo Maresca ee ku ciyaarta Stamford Bridge, taasoo fursad siineysa Man Utd.
Amorim ayaa hadda qorshihiisa suuqa waxaa ugu horeeya keenista weeraryahanka reer France ee kooxda Chelsea Christopher Nkunku.