Home Warar Ciyaaraha Maanta Ruben Amorim oo ka Shalaayay go’aamadii uu gaaray yaraantiisii.

Ruben Amorim oo ka Shalaayay go’aamadii uu gaaray yaraantiisii.

0

Ruben Amorim, oo dhawaan loo magacaabay tababaraha cusub ee Manchester United, ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay go’aamadii uu gaaray yaraantiisii.

Sida laga soo xigtay The Sun, Amorim wuxuu daaha ka qaaday inuusan dhameysan dugsiga waxbarashada, xaqiiqda ah in xaaskiisa Maria ay mararka qaarkood ku majaajilooto iyadoo ugu yeerta jaahil ayaa banaanka la keenay.

Da’da 18jirka, Amorim wuxuu ka tagay dugsiga isagoo aan dhameysan, imtixaanadiisa ayaa la sheegay in ay aad u liiteen waqtigaas.

Wuxuu go,aansaday inuu waxbarashada isaga tago ka dib markii uu saxiixay qandaraaskiisii ​​​​ugu horeeyay ee kubada cagcagta.

Isagoo arintaan ka hadlay ayuu yiri”Hooyaday heshiis baan la galay, dugsiga waan sii wadi lahaa, laakiin qandaraaskeygii ugu horeeyay ee xirfadeyda waxaan saxiixay anigoo 17 jir ah,

Maanta aad ayaan uga qoomameynayaa arintaas, haddii aan imtixaan geli lahaa, waxaan ugudbi lahaa safalka 12-aad.

Waxaan sidoo kale geli karay kulliyad sare oo jaamacada ah. “ayuu yiri hogaamiyaha cusub ee Man Utd Amorim.

Maria, oo shahaado ka qaadatay injineernimada farsamada gacanta, ayaa inta badan ninkeeda kula kaftanta waxbarasho xumadiisa.

Maria waxay guursatay Ruben sanadkii 2013, lamaanahaan waxay heystaan laba carruur ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here