Ruben Amorim ayaa shaaca ka qaaday in Alejandro Garnacho uu “ka xumaaday isaga” kadib markii laga reebay safka Manchester United ee kulankii City Axadii.
Wargeyska Manchester Evening News ayaa sheegay in Garnacho iyo Rashford laga reebay 20-ka ciyaartoy ee United u diyaar garoobay ciyaartaas, islamarkaana loo diray inay ku tababartaan xarunta tababarka ee Carrington subaxnimadii kulanka derby-ga.
Amorim ayaa xaqiijiyay kadib guushii 2-1 ee United in labada ciyaartoy aan la ciqaabin balse uu ka niyad jabay qaab ciyaareedkooda tababarka iyo kulamadii dhawaan. Rashford ayaa tan iyo markaas bixiyay wareysi uu ku sheegayo damaciisa ah inuu ka tago United sanadka soo socda, halka Garnacho uu aamusnaan doortay.
Garnacho ayaa tababar sameeyay Isniintii, wuxuuna Amorim ka helay jawaab wanaagsan, isagoo ku tilmaamay dabeecaddiisa mid “aad u wanaagsan”.
“Aad buu u wanaagsanaa tababarkiisa,” ayuu yiri Amorim isagoo faraxsan. “Waxaan filayaa inuu iga yara xumaaday aniga, taasna waa wax fiican. Aad ayaan ugu farxay sababtoo ah aniga sidoo kale sidaas ayaan sameyn lahaa. Waa diyaar ciyaarta soo socota.”