Ruben Amorim ayaa tababarkiisii ugu horeeyay ku qaatay Manchester United isniintii, xiligaasi oo uu xiddig muhiim ah ka soo laabtay dhaawac.
In kasta oo uu yimid Carrington usbuucii hore, arrimaha fiisaha ayaa dib u dhigay bilawga shaqada Amorim laakiin ugu dambayn waxa uu bilaabay shaqadiisa.
Shaqadiisa ugu horreysa ayaa ah inuu u diyaariyo Red Devils safarkooda Ipswich Town kulanka Axadda ee Premier League.
Si kastaba ha ahaatee, tababaraha reer Portugal ayay ka maqnaan doonaan xiddigo uu ka mid yahay Victor Lindelof Kaas oo ku dhaawacmay waajibaadka xulkiisa.
Laakiin Wargayska Manchester Evening News ayaa sheegaya in xiddiga khadka dhexe ee Kobbie Mainoo uu ka qayb qaatay tababarka ugu horeeya ee uu Amorim hogaamiyay.