Home Warar Ciyaaraha Maanta Ruben Amorim oo Wajahaya Dhibaato Dhaawac Kahor Kulankiisii Ugu Horreeyay ee Man...

Ruben Amorim oo Wajahaya Dhibaato Dhaawac Kahor Kulankiisii Ugu Horreeyay ee Man United.

0

Ruben Amorim oo Wajahaya Dhibaato Dhaawac Kahor Kulankiisii Ugu Horreeyay ee Man United.

Ruben Amorim ayaa la kulmay dharbaaxo dhaawac ka hor inta uusan hoggaanka u qabanin ciyaartiisii ugu horreysay ee Manchester United.

Tababaraha reer Portugal, oo shaqada Red Devils kala wareegay Ten hag ka hor intq uusan macsalaameen kooxdiisii hore Sporting Lisbon.waxa uu ku sugan yahay magaalada Manchester toddobaadkan isagoo isbarbar-dhigaya shaqadiisa cusub iyo tii hore.

Wuxuu booqday xarunta tababarka Carrington oo uu kula kulmay qaar ka mid ah ciyaartoyda kooxda, halka kuwa kale ay ku maqnaayeen waajibaadka xulalkooda qaran.

Intii lagu jiray fasaxa caalamiga ah, ciyaartoyda sida Bruno Fernandes iyo Alejandro Garnacho ayaa u safray dalalkooda si ay uga qeyb qaataan kulammada ugu dambeeya ee sanadka. Si kastaba, qaar ka mid ah ciyaartoyda, sida Marcus Rashford, laguma soo darin xulalkooda halka Harry Maguire uu ka soo kabanayo dhaawac lugta ah.

Hase yeeshee, ciyaaryahanka kale, Victor Lindelof, oo u ciyaaraya xulka Sweden, ayaa u muuqda inuu dhaawac ka soo gaaray kulankii uu u saftay dalkiisa. Arrintani waxay keeni kartaa walaac cusub oo Ruben Amorim ah, gaar ahaan maadaama uu dhowr maalmood uun ka harsan yahay kulankiisa ugu horreeya ee horyaalka.

Lindelof, oo muddo toddobo sano ah ku sugnaa Old Trafford, ayaa inta badan ahaa ciyaaryahan kayd ah. Waxa uu rajeynayay inuu helo fursad uu isku muujiyo inta lagu jiro xukunka cusub ee Amorim, kaas oo la filayo inuu hirgeliyo nidaam saddex daafac ah.

Nidaamkan ayaa u muuqda mid waxtar u noqon kara ciyaartoyda sida Lisandro Martinez iyo Matthijs De Ligt, oo loo maleynayo inay si joogto ah ugu soo bixi doonaan shaxda koowaad, iyadoo Leny Yoro uu dib uga soo noqonayo dhaawac.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo Yoro uu dhaawac yahay iyo shakiga ku gadaaman taam ahaanshaha Martinez, waxaa suuragal ah in Amorim uu si degdeg ah uga faa’iidaysto ciyaartoyda kaydka ku jira sida Maguire, Jonny Evans, iyo Lindelof, si uu u isticmaalo nidaamka cusub ee uu damacsan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here