Manchester United ma ahayn kooxdii ugu horeysay ee bixisay lacagta lagu bur-burin karo heshiiska Ruben Amorim ee Sporting CP, laakiin labadii kooxood ee hore midkoodna ma soo jiidan tababaraha reer Portugal.
Amorim ayaa ka mid noqday tababarayaasha ugu fiican kubada cagta sanadihii ugu dambeeyay isaga oo Sporting ka dhigay koox ku tartanta koobabka.
United ayaa bixisay lacagta 10 milyan ee lagu bur-burin karo heshiiskiisa waxana ay ka dhigtay badalka Erik Ten Hag.
“Ma ahan markii ugu horaysay ee ay koox bixisay lacagta lagu bur-burin karo heshiiskaygaäyuu u sheegay saxaafada.
“Waxa aan heli lahaa lacag ka badan mida aan haatan ka heli doono Man United laakiin waxa aan ku faraxsanaa Sporting”