Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay u aqoonsatay xiddiga Wolverhampton Wanderers ee Ruben Neves inuu yahay mid ka mid ah afarta bartilmaameed ee khadka dhexe ka hor maalinta Isniinta ee soo socota 11pm.
24-sano jirkaan, oo dhaliyay goolkiisii labaad ee xilli ciyaareedkaan guushii ay ka gaareen Brentford isbuucii hore, ayaa si xoogan loola xiriirinayay inuu ka tagayo Molineux, iyadoo ay xiiseynayaan kooxaha sida Gunners, Manchester United iyo Chelsea .
Neves wuxuu soo jeediyay bishii Diseembar inuu arko mustaqbalkiisa dhow ee Wolves ; si kastaba ha ahaatee, The Athletic ayaa sheegeysa in Arsenal ay tixgelin doonto dalab soo daahay oo ku aadan xiddiga reer Portugal bishaan.
Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Bruno Guimaraes ee Lyon , Aston Villa xidigeeda Douglas Luiz iyo Tyler Adams ay yihiin seddex bartilmaameed oo kale oo khadka dhexe ah oo uu tixgelinayo Mikel Arteta .