Home Suuqa kala iibsiga Rüdiger oo doonaya in oo ka tago kooxda Chelsea kadib markii kursiga...

Rüdiger oo doonaya in oo ka tago kooxda Chelsea kadib markii kursiga kaydka toos loo dhigay

0
Ad

Rüdiger ayaa xilli ciyaareedkan kaliya waxa oo kooxda Chelsea kasoo muuqday ciyaaro faro ku tiris ah Premier League iyo kulamada kale.

Si kastaba ha noqotee, waxaa jiray seddex kulan laga soo bilaabo bilowgii Champions League iyo hal ciyaar, Thiago Silva iyo Kurt Zouma ayaa ah dooqa koowaad ee Frank Lampard u doortay khadka dhexe difaaca.

Ad

Rüdiger wali ma haysto qorshayaal la taaban karo oo uu kaga tagayo Chelsea. Taa baddalkeeda wuxuu go’aansaday inuu dib ugu soo laabto kow iyo tobanka bilowga ah.

– Kuma farxi karo xaaladda, laakiin caqabadda waa la aqbalay. Wixii dhacaya Janaayo waa fog yihiin. Waxaan dareemayaa raaxo buuxda, ayuu yidhi Rüdiger.

F.lampard ayaa ayuu ugu faraxsanaa qaab ciyaareedka daafaca markii oo noqday maamulaha kooxda Chelsea laakiin wax walba gadaal ayey iska badelee kadib qaladaadka xidiga oo marba marka danbeyso kordhayey, waxaana dhacday in oo dhigo kursiga ilaa ugu danbeyntii oo ka saaro 11 shaxda kooxda.

Taageerayaasha qaar kamid ah Chelsea ayaa qaba in gabi ahaan kooxda laga diro daafaca reer maadama qaab ciyaareedkiisu liito oo soo bandhigi waayey qaab ciyaareed oo ay ku qancaan.

Antonio Rüdiger ayaa kaga soo biiray Chelsea kooxda Roma sanadkii 2017. Tan iyo markaas, wuxuu ciyaaray 120 kulan oo uu xiran yahay maaliyada Chelsea wuxuuna u dhaliyay lix gool. Qandaraaskiisa kooxda ayaa dhacaya xagaaga 2022.

Kulamadii ugu danbeeyey kooxda Chelsea qaab ciyaareed liita ayey soo bandhigay waana mid niyad ka dileysaa kalsoonida ay ku qabanaa Taageerayaasha Macalin Lampard, waxyaabaha yaabka ku abuuray ayaa ah in kooxda xidigo kamid ah aysan ciyaarin boosaskii loogu talogalay sida Timo Werner iyo Kai Havertz oo ka ciyaaraya labada garbood.

Quburada aad ugu xeel kubadda cagta ayaa saadaalinaya in F.lampard laga raacdeyn doono hadii oo kusii socda qaab ciyaareedka liita ee kulamadii ugu danbeeyey.

Chelsea waxa ay kamid aheed kooxaha sanadkaan loo saadaalinaayey in ku guuleysan doonto horyaalka hada socda laakiin wax walba waa bedeleyn guuldarooyinka ay kala kulantay naadiyaasha Everton iyo Wolves.

Kulanka soo socda waxa ay ciyaari doontaa caawo kooxda West Ham United waana kulana adag.

Previous articleJuballand iyo k.Galbeed oo ciyaari doonaan Koobka maamul goboleedyada ee gobolka banaadir 2020.
Next articleChelses vs West Ham oo ciyaar xiiso leh ku dhex mari doonto garoonka Stamford Brigde…(Chelsea oo doonee in ay kusoo noqoto wadadii guusha)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here