Ruugcaddaayada Garbaha Daafac ee Marcelo Vieira iyo Dani Alves oo ka Huleelaya labaduba kooxaha Real Madrid iyo Barcelona

Ruugcaddaayada garbaha daafac ee ree Brazil ee Marcelo Vieira iyo Dani Alves ayaa xagaagan ka huleelaya labaduba kooxaha Real Madrid iyo Barcelona oo ay wakhtiyo fiican kusoo qaateen.

War cusub oo haatan soo baxay ayaa sheegaya in mulkiilaha kooxda Real Valladolid ee Ronaldo Nazario uu doonayo inuu adeegsado xidhiidhada wanaagsan ee uu la leeyahay xiddigahaas ay Brazil kasoo wada jeedaan isla markaana iskugu keeno kooxdiisa.

Wargeyska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in haatan Ronaldo uu doonayo inuu Alves iyo Marcelo oo halyeeyo ka ah horyaalka La Liga uu kusoo daro kooxdiisa oo markale usoo dalacday horyaalka sanadkan.

Ronaldo ayaa sanadkii 2018 noqday shaqsiga qaybta ugu badan ku leh Real Valladolid waxaana uu tan iyo wakhtigaas muhiim ka noqday dib usoo kicida kooxdaas, R9 ayaa leh 82% saamiga Valladolid.

Sanadkii hore ee 2021 ayay heerka labaad u dhacday Valladolid oo booska 19-aad kaga dhammaysatay La Liga balse xilli ciyaareedkii tagay ayay markale booska labaad kaga soo baxeen horyaalka heerka labaad.

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*