Ruushka Oo Laga Mamnuucay Koobka Adduunka, EURO, Champions League, Europa League Iyo Conference League

Xidhiidhka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayaa ciqaab adag kusoo rogay waddanka Ruushka, waxaana laga xannibay ka qayb-galka koobka adduunka ee dhamaadka sannadkan lagu qaban doono waddanka Qatar kaddib markii uu Ruushku duullaan ku qaaday waddanka Ukraine.

Kaddib maalmo culays badan oo dhinac walba ah lagu hayay FIFA si ay u qaadato go’aan ay Ruushka kaga saarto isreeb-reebka Koobka Adduunka, waxa ugu dambayntii ay FIFA ku raacday dunida kale inay xayiraad saarto dalalka Russia iyo Belarus.

FIFA ayaa beddeshay go’aan ay hore u qaadatay oo ahaa in Ruushku uu sii wato isreeb-reebka Koobka Adduunka xataa iyada oo ay dalalka ay isku hormada yihiin ee Poland, Sweden iyo Czech Republic diideen inay la ciyaaraan.

Madaxweynaha FIFA ee Gianni Infantino ayaa beddelay warkii hore, waxaana uu ku waafaqay UEFA in dhamaan ciyaaraha kala duwan ee kubadda cagta laga joojiyo Ruushka, waxaana war-saxaafadeed wada-jir ah oo maanta ay soo saareen FIFA iyo UEFA lagu sheegay in aan fagaareyaasha ciyaaraha lagu arki doonin xulka qaranka Ruushka iyo kooxihiisa intaba.

“FIFA iyo UEFA waxay maanta si wada-jir ah u go’aansadeen, in dhamaan kooxaha Ruushka haddii ay tahay xulka qaranka ama naadiyada, in laga xayiro ka-qaybgalka tartamada FIFA iyo UEFA illaa ogeysiin dambe.” Ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ay wada-jir usoo saareen FIFA iyo UEFA.

Tartamada laga joojiyey waxa ka mid ah Koobka Adduunka iyo EURO oo dhinaca xulka ah, iyo naadiyada oo aan ka qayb-geli doonin tartamada Champions League, Europa League iyo Conference League.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*