Sabtida ayay Liverpool hoggaanka la wareegi doontaa haddii ay ka adkaato Wolves oo ay duhurnimada u tegayso, laakiin waxa imtixaan uu sugayaa Mikel Arteta oo kooxdiisu ay la ballansan tahay Everton oo la ogaa in ay ka mid ahayd kooxihii jallaafada u dhigay xilli-ciyaareedkii hore.
Khabiirka ciyaaraha Chris Sutton oo saadaaliyey kulamadan, ayaa waxa uu sheegay in Sean Dyche iyo kooxdiisa Everton aanay waqtigan ka adkaan karaynin Arsenal, halka Liverpool uu siiyey guul raaxo leh iyo shabaq nadiif ah oo sabab u noqon doona inay hoggaanka sii hayaan illaa inta ay soo baxayso natiijada ciyaarta Man City iyo West Ham.
Kooxda tababare Pep Guardiola oo soo guuleysatay afartii ciyaarood oo hore ayaa waxay laba dhibcood ka horreysaa Liverpool iyo Arsenal, hase yeeshee waxa ay magaalada London ku booqanayaan West Ham oo si xun u garaacda Chelsea, isla markaana kalsooni badan haysata.
Manchester United ayaa uu madax-xanuun sugayaa, waxaanay ballansan yihiin Brighton & Hove Albion, iyadoo waliba ay ka maqan yihiin ciyaartooyo badan, waxaana uu Sutton saadaaliyey in guul-darradii labaad oo xidhiidh ah ay Man United la kulmi doonto, iyadoo ciyaartii ugu dambaysayna ay Arsenal waqti dambe laba gool ka dhalisay.
Chelsea oo afartii ciyaarood ee ay dheeshay hal mar oo kaliya badisay, ayaa mar kale kufi doonta sida ay sheegayso saadaasha khabiirka BBC Sports ee Chris Sutton, balse waxa farxadda sii wadan doonta Tottenham.
Saadaasha Chris Sutton ee kulamada shanaad ee Premier League
Sabti
Wolves 0-2 Liverpool
Aston Villa 2-0 Crystal Palace
Fulham 2-0 Luton
Man United 2-3 Brighton
Tottenham 3-0 Sheffield United
West Ham 1-2 Man City
Newcastle 4-0 Brentford
Axadda
Bournemouth 1-1 Chelsea
Everton 1-2 Arsenal
Isniin
Nottingham Forest 2-1 Burnely