Khabiirka BBC Sports ahna xiddigii hore ee kooxda Liverpool ee Mark Lawrenson ayaa markan saadaal ka dhiibtay kulamada horyaalka Premier League ee toddobaadkan iyo waliba Final-ka FA Cup ee ay ku ballansan yihiin Liverpool iyo Chelsea.
Aan ku bilawnee Lawrenson ayaa Tottenham oo xalay xasuuqday Arsenal u saadaaliyay inay markale guul muhiim u ah ka qayb-galkeeda Champions League xilli ciyaareedka dambe ka gaadhi doonto Burnley oo kamida kooxaha heerka hoose ka ordaya.
Hoggaamiyayaasha horyaalka ee Manchester City oo kulan adag booqanaya West Ham United ayuu Lawro u rajeeyay Sky Blues guul kulan la isku dhaw yahay.
Arsenal oo Isniinta kulan aad muhiim ugu ah xilli ciyaareedkeeda u tagaysa Newcastle United oo dhawaanahan heer sarre ah ayuu aaminsan yahay inay dhibco kale bar-bardhac kusoo lumin doonto sidaana booska afraad ugu waayi doonto Tottenham.
Ugu dambayn, kulanka xiisaha badan ee Wembley Stadium ku dhex maraya Chelsea iyo Liverpool ayuu khabiir Mark aaminsan yahay in Reds markii labaad dhawr bilood gudahood ay koob ka qaadi doonaan Blues.
Saadaasha Mark Lawrenson Ee Premier League Toddobaadkan
Tottenham 3-0 Burnley
Aston Villa 2-1 Crystal Palace
Leeds 1-1 Brighton
Watford 0-2 Leicester
West Ham 1-2 Man City
Norwich 0-2 Wolves
Everton 2-0 Brentford
Newcastle 1-1 Arsenal
Saadaasha Mark Lawrenson Ee FA Cup Toddobaadkan
Chelsea 0-2 Liverpool