Home Wararka Ciyaaraha Saadaasha Paul Merson ee Premier League Kulamada 4aad, Kooxaha Waaweyn oo uu...

Saadaasha Paul Merson ee Premier League Kulamada 4aad, Kooxaha Waaweyn oo uu ka farxiyay Qaarkood

0

Paul Merson ayaa saadaaliyay kulamada isbuucaan ee Premier League, sida kulanka Manchester United, kan Liverpool ee  Bournemouth iyo Chelsea oo leicester city la ciyaareysa.

Aan ku bilawnee Man United oo toddobaadkan guul iskaga soo reebtay Liverpool ayuu qabaa inay halkaas kasii wadi doonto oo ay markana kasoo adkaanayso Southampton oo ay booqanayaan.

Chelsea oo Usbuucii hore bahdil weyn kala soo kulantay Leeds United ayuu Paul u rajeeyay inay kusoo kabtaan oo guul ka gaadhaan kooxda dhibtoonaysa ee Leicester City.

Manchester City oo qudheedu kulankii ugu dambeeyay xilli dambe barbardhac kasoo sasabatay Newcastle United toddobaadkana qaabilaysa Crystal Palace ayuu Merson aaminsan yahay inay wadada guulaha kusoo laaban doonto.

Liverpool oo ah kooxda dhibta ugu badani soo qabsatay walina guul la’aan ah kaddib saddex kulan ayuu Paul Merson u rajeeyay inay Bournemouth kaga maydhato usbuucan oo ay Anfield ku xasuuqaan.

Kooxda kaliya ee guulaha 100% ah ku naaloonaysa ee Arsenal oo qaabilaysa dhigeeda ay London wada metelaan ee Fulham ayuu Merson qabaa inay guushii afraad kulankii afraad gaadhi doonto.

Tottenham oo Sabtidii guul ay ku rafaaday kasoo gaadhay Wolves ayuu Merson markale saddexda dhibcood ka siiyay kooxda dhawaan soo dalacday ee Nottingham Forrest.

Saadaasha Merson Ee Toddobaadka 4-aad Oo Dhammaystiran

Southampton 1-2 Man United

Chelsea 3-0 Leicester City

Brighton 2-1 Leeds United

Man City 3-1 Crystal Palace

Liverpool 3-0 Bournemouth

Brentford 2-0 Everton

Arsenal 3-0 Fulham

Wolves 0-1 Newcastle

Aston Villa 2-1 West Ham

Nottingham 0-3 Tottenham

Previous articleLiverpool oo diyaar u ah inay dalab ka gudbiso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Valencia Carlos Soler
Next articleAC Milan oo la soo wareegtay daafaca Kooxda VfB Stuttgart ee Jan-Carlo Simic

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here