
Khabiirka kanaalka Sky Sports ee Jones Knows ayaa sidii dhaqanka u ahayd markale dhiibtay aragtidiisa horyaalka Premier League ee Usbuucan oo markale la ciyaari doono kulamo wax weyn ka go’aaminaya horyaalka ku guuleysigiisa iyo boosaska Champions League loogu soo baxo.
Ugu horreynba Jones ayaa saadaaliyay in Chelsea oo toddobaadkii hore ay Everton kasoo adkaatay ay markan wadada guulaha kusoo laaban doonto oo guul dirqi ah ka gaadhi doonto Wolves oo soo booqanaysa.
Mr Jones ayaa aaminsan in Man United oo booqanaysa kooxda Brighton ay markan bar-bardhac lasoo geli doonto isla markaana ay si rasmi ah u macasalaamayn doonto rajo kasta oo ay Champions League ka qabtay oo marka horeba aad u koobnayd.
Liverpool oo qaabilaysa Tottenham kulanka ugu adag toddobaadkan isla markaana saamayn kara tartanka horyaalka ayuu khabiirka Sky Sports guul kulan xiiso badan u rajeeyay Reds oo uu qabo inay hoggaanka la wareegi doonaan.
Jones Knows ayaa aaminsan in Arsenal ay booska afraad isku ballaadhin doonto toddobaadkan oo ay guul ay ka gaadho Leeds United kaga faa’idaysan doonto hoos u dhac ku yimaada Tottenham.
Kulanka uu natiijada ugu saamaynta badan ka dhiibtay Usbuucan ayaa dhex maraya Man City oo habeen hore qaab niyad jab leh uga hadhay Champions League iyo Newcastle United isaga oo aaminsan in bar-bardhac ciyaartaasi kusoo dhammaan doonto oo Magpies horyaalka u gacan gelin doonaan Liverpool.
Saadaasha Jonen Knows Ee Premier League Toddobaadka
Brentford 3-1 Southampton
Burnley 0-0 Aston Villa
Chelsea 1-0 Wolves
Crystal Palace 2-0 Watford
Brighton 1-1 Man United
Liverpool 3-2 Tottenham
Arsenal 1-0 Leeds
Leicester 1-1 Everton
Norwich 0-2 West Ham
Man City 1-1 Newcastle
Be the first to comment