Sababta Ben White Looga Saaray Xulka England Ee Koobka Adduunka Oo La Ogaaday

Ka bixitaanka Ben White ee xulka qaranka ee koobka adduunka bartamihii tartanka ka socday Qatar ayaa lagu soo waramayaa inay sabab u tahay isku dhac dhex maray tababare ku xigeenka England Steve Holland.

White oo 25 jir ah ayaan ciyaarin wax daqiiqad ah intii uu socday koobka adduunka ka hor inta aan laga saarin kuna laaban England 30 bishii November iyada oo xidhiidhka FA-gu sheegay in xiddiga looga saaray xulka England sabab la xidhiidha arimo qoys.

Haatan warar soo baxaya oo ay sheegayso wargayskla Star Sport ayaa sheegaya in ka tagista xiddiga ee xulka England in ay ka dambaysay isku dhac ay isku dheceen xiddiga iyo tababare ku xigeenka Xulka England ee Ben White.

Holland iyo White ayaa lagu soo waramayaa in ay isk dhaafsadeen hadalo kulul taas oo keentay in la go’aansado in uu xiddigu ku laabto London.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*