Sababta ka danbeysa Ciyaartoyda Germalka inay Afka Gacanta Saaraan oo la Sheegay

Photo/AFP

Ciyaartoyda Germany ayaa afka saaray intii ay socotay sawir kooxeed ka hor kulanka ay la ciyaarayaan Japan ciyaar ka tirsaneyd Group E ee koobka adduunka Arbacadii iyada oo uu sii socday khilaafka ka dhashay hanjabaada Fifa ee cunaqabataynta ee calaamada “OneLove”.

Ciyaartoyda Jarmalka oo dhan ayaa ka qayb qaatay tilmaantan ay ku hor taagnaayeen daraasiin sawir qaadayaal ah oo garoonka ku jiray ka hor bilawgii ciyaarta, ka dib markii ay xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee Fifa ugu hanjabtay 7 kooxood oo Yurub ah inay ciqaabi doonaan haddii ay xidhaan calaamada Qowma luudka.

Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo xidhiidhka kubbada cagta Denmark (DBU) uu sheegay in aanay taageeri doonin in Gianni Infantino loo doorto guddoomiyaha Fifa, ka dib markii ay maamulka kubbadda cagta adduunka ugu hanjabeen kooxaha xidhan calaamada “OneLove” ee ay ugu yaraan kaarka jaalaha ah la siiyo.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu qabtay Arbacadii, madaxweynaha DBU Jesper Moeller ayaa sheegay in uu aad uga carooday falka FIFA, isla markaana uu xiriirku meesha ka saaray in Infantino loo codeeyo doorashada sanadka soo socda.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*