Sababta Paul Pogba uu Mushaharkiisa hoos ugu dhigayo oo la ogaaday

Xiddiga Manchester United Paul Pogba ayaa isku diyaarinaya inuu hoos u dhigo mushaarkiisa si uu ugu biiro Juventus xagaaga soo aadan.

Laakiin taasi waa haddii Juve ay si guul leh ugu soo baxdo tartanka Champions League xilli ciyaareedka soo socda.

Taasi waa sida laga soo xigtay Gazzetta dello Sport, oo ku warameysa in ciyaaryahanka khadka dhexe uu doonayo inuu ku laabto Turin.

Heshiiska xiddiga heerka caalami ee dalka France ee Old Trafford waxa uu dhacayaa bisha June.

Pogba ayaa hada dareemaya in uu soo dhamaanayo waayihiisa kooxda Manchester United iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in uu doonayo in uu ka mushahar barto Ronaldo.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*