Home Wararka Ciyaaraha Saddex Milyineero oo Mareykan ah oo hogaaminaya la wareegida Chelsea

Saddex Milyineero oo Mareykan ah oo hogaaminaya la wareegida Chelsea

0

Saddex hantiilayaan ayaa lagu soo waramayaa inay hormuud ka yihiin tartanka loogu jiro iibsiga Chelsea mar uun mustaqbalka.

Natiijadii ka dhalatay cunaqabataynta ay dawladdu soo rogtay Khamiistii , milkiilaha Roman Abramovich ayaa laga horjoogsanayaa inuu iibiyo kooxda Premier League isla markaana la joojiyo dakhliga ka soo xarooda kooxda ka dhisan Galbeedka London.

Inkasta oo ay wararku sheegayaan in Abramovich laga yaabo in uu ku kala tago Chelsea marka la eego shuruudaha dawladda, haddana ma jirto dammaanad qaad ah in bilyaneerka Ruushku uu jidkaas mari doono.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la sheegay in mas’uuliyiinta naadiga ay u dhaqaaqeen inay wadahadal la furaan dowladda Ingiriiska , iyagoo og inay la kulmayaan suurtagalnimada burbur dhaqaale haddii aan wax laga beddelin shatiga hadda jira.

Sida laga soo xigtay The Telegraph , saddex Milyineero oo  ayaa sugaya iibsiga haddii ay dhacdo in wadahadal iyo gorgortan ay gali karaan

Abramovich ayaa markii hore dalbaday ugu yaraan 3 bilyan oo ginni Chelsea, laakiin hadda ma haysto fursad uu ku soo ceshado lacagtaas.

Previous articleBarcelona oo u aragta Patrik Schick bedelka Erling Braut Haaland
Next articleCristiano Ronaldo oo mar kale seegay tababarkii Manchester United ee khamiistii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here