Saddexda ciyaaryahan ee Arsenal oo seegaya kulanka Liverpool EFL Cup

Arsenal ayaa walaac ka qabta inay weyso seddex ciyaaryahan ka hor kulanka semi-finalka EFL Cup ee Liverpool .

Gunners ayaa laga soo reebay tartanka FA Cup wareegii 3-aad ee kooxda Nottingham Forest dhamaadkii Isbuucaan, waxaana jiray dhowr xubnood oo kooxda ah oo aan la heli karin.

Emile Smith Rowe ayaa kulanka ku seegay dhaawac gumaarka ah, Takehiro Tomiyasu waxa uu la tacaalayay dhibaato kubka ah, dhanka kale, Granit Xhaka Ayaa isna laga helay COVID-19 ah.

“Ma garanayo, waxay ku xirnaan doontaa maalmaha soo socda sida uu dareemayo,” Mikel Arteta ayaa u sheegay saxaafada xaalada Xhaka ee kulanka Liverpool.

Tababaraha Arsenal ayaa sidoo kale ka hadlay dhaawacyada kale: “Markale, waxay kuxirantahay sida ay u xuubsiibtaan, way dhaawacmeen, waa inaan aragnaa maalmaha soo socda sida ay yihiin”.

Gunners ayaa u safri doonta Anfield Khamiista si ay ula kulmaan Liverpool lugta hore ee semi-finalka, iyadoo kulankii hore ay tahay in dib loo habeeyo sababtoo ah COVID-19.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*