Sadio Mane oo Gaaray Germany ka hor inta uusan u dhaqaaqin Bayern Munich

Weeraryahanka Liverpool Sadio Mane ayaa ka degay dalka Jarmalka ka hor inta uusan u wareegin kooxda Bayern Munich oo uu kaga soo biiray Anfield.

30-sano jirkaan ayaa ka tagi doona Liverpool ka dib markii uu ku riyaaqay koobab badan oo lix sano ah oo uu hogaaminayay Jurgen Klopp , kaasoo lagu waday inuu dhamaanayo marka uu dhaco qandaraaskiisa 2023.

Mane ayaa go’aansaday in hadda la joogo waqtigii uu xirfadiisa ku horumarin lahaa meel kale, inkastoo Bayern loo tixgeliyey inay tahay kooxda kaliya ee macquulka ah ee u tartamaysa saxiixa xiddiga heerka caalami ee dalka Senegal.

Kooxda heysata horyaalka Jarmalka ayaa ku guuldareysatay labo dalab oo ay ku dooneysay Mane ka hor inta aysan ugu dambeyntii heshiis la gaarin Liverpool, taasoo ka dhigi doonta inay bixiso 27.5 milyan ginni oo bilowga ah taasoo ku kici karta 35 milyan ginni oo dheeri ah.

Mane ayaa hadda ku soo degay magaalada Munich ka dib markii uu ku duulay diyaarad khaas ah subaxnimadii Talaadada, ninkii hore ee Southamton ayaa hadda lagu wadaa in uu tijaabada caafimaadka maro 24 saac ee soo socda

 

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*