Sadio Mane oo jabiyay rikoorka Premier League isagoo dhaliyay goolkii taariikhiga ahaa ee Liverpool

Weeraryahanka kooxda Liverpool Sadio Mane ayaa jabiyay rikoor gooldhalinta Premier League markii uu furtay kulankii Crystal Palace ee Sabtidii Premier League.

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee reer Senegal ayaa ayaa sameeyay rikoor cusub.

In kasta oo uu si tartiib tartiib ah ciyaarta ku bilaawday, Mane ayaa goo helay daqiiqaddii 43 -aad , iyadoo ciyaaryahankii hore ee Southampton uu ka faa’ideestay kubad uu soo celshay Vicente Guaita.

Goolkii uu Sabtidii dhaliyay Mane ayaa ka dhigay inuu noqdo ciyaaryahankii ugu horreeyay ee abid sagaal kulan oo xiriir ah Premier League ka dhaliya hal koox, halka uu sidoo kale noqday ciyaaryahankii 18aad ee 100 gool u dhaliya Liverpool.

29 jirkaan ayaa marqaati ka ahaa saaxiibkiis Salah oo qarnigii goolasha u dhaliyay kooxda Merseyside kulankii ay ka badiyeen Leeds United isbuucii hore, waxaana uu haatan ku faanayaa 13 gool 14 kulan oo horyaalka ah oo uu ka horyimid Palace.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*