Sadio Mane ayaa la sheegay in aanu wax mustaqbal ah ku lahayn Bayern Munich oo ay uga dhamaatay, waxaana uu dib ugu laabanayaa horyaalka Premier League ee uu ka tegay xagaagii hore, iyadoo uu midkood ku biiri doono afar kooxood oo waaweyn oo dhamaantood doonaya.
Bayern Munich ayaa £27 milyan oo Gini ku iibsatay Sadio Mane xagaagii, waxaana uu soo afjaray lix sannadood oo uu u ciyaarayay Liverpool oo uu kula guuleystay koob walba oo suurtogal ahaa.
Laakiin Bayern Munich ayaa uu saldhigi waayey, isaga oo toddoba gool oo kaliya u dhaliyey halka uu waqtiyo badan ku maqnaa dhaawacyo sababay in xataa uu xulkiisa Senegal kala qayb-geli wayo Koobkii Adduunka.
Mustaqbalka Sadio Mane ee Bayern Munich ayaa waxa uu dhulka galay markii uu feedhay laacibka ay isku kooxda yihiin ee Leroy Sane kaddib ciyaartii guul-darrada ee Manchester City ee wareeggii siddeedda Champions League.
Wargeyska Daily Mail ayaa sheegay, in tababare Thomas Tuchel uu doonayo inuu iska diro Sadio Mane oo la iibiyo xagaaga, isla markaana booskiisa loo keeno weeraryahan uga dheela No.9 oo goolal badan u dhalin kara, taasina waxay keentay in afar kooxood oo Premier League ay damcaan Mane.
Kooxda kubadda cagta Chelsea aya hoggaaminaysa tartanka loogu jiro Sadio Mane kaddib xilli-ciaareed dhib badan oo dhamaan weeraryahannadoodu ay dhaliyeen kaliya 36 gool oo Premer League ah, waxaana macallinka cusub ee Chelsea ay magacaabayso ee Mauricio Pochettino uu la dhacsan yahay kartia Mane.
Waxa kale oo la sheegay, in Sadio Mane ay doonayaan kooxaha Arsenal oo kaalinta labaad kaga jirta horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan, isla markaana doonaysa ciyaartooyo khibrad leh inay kusoo kordhiso safkeeda xagaagan iyo Newcastle United oo lacag badan farraqi doonta xagaaga.
Warka ayaa intaa ku daray, in ay suurtogal tahay in Sadio Mane uu dib ugu laabto kooxdiisii hore ee Liverpool inkasta oo beddelkiisa ay la saxeexdeen Darwin Nunez halka labada grabna ay haystaan Mohamed Salah iyo Luis Diaz.
Si kastaba ha ahaatee, mustaqbalka Sadio Mane ayaa la sheegay in uu yaallo horyaalka Premier League oo uu dib ugu soo noqon doono xagaaga.