Sadio Mane oo Mar Kale Rigoore ku reebay Mohamed Salah iyo Xulkiisa Masar

Xulalka Senegal iyo Ghana ayaa usoo baxay Koobka Adduunka 2022 ee dhamaadkan lagu qaban doono waddanka Qatar, waxaanay soo reebeen Masar iyo Nigeria.

Senegal ayaa rikoodheyaal 3-1 ah ku garaacday Masar oo isku-darka labadii ciyaarood ee labada garoon ay ku dhamaadeen 1-1, waxaana laadkii ugu dambeeyey guusha ugu go’aamiyey Senegal xiddigooda Sadio Mane, halka hoggaamiyaha Masar ee Mohamed Salah uu khasaariyey rikoodhihiisa.

Xulka qaranka Senegal oo laga soo badiyey ciyaartii hore ee ka dhacday waddanka Masar waxa bilowgiiba gool u dhaliyey Boulaye Dia oo daqiiqaddii saddexaad saxeexay goolka meesha ka saaray goolkii hore ee ay Masar kusoo badisay ciyaartii ka dhacday dalkaas.

Ciyaarta oo ahayd mid xamaasaddeedu sarrayso ayay Masar laba ciyaartoy ka dhaawacmeen qaybtii hore, waxaanu tababare Carlos Quiroz ku qasbanaaday in uu laba ka mid ah beddelkiisa qaybtii horeba isticmaalo, halka Senegal oo haysatay taageereyaasheedu ay adkaysi u yeelatay jugta ciyaartoyda Masar.

90kii daqiiqadood ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1-0 ay guushu ku raacday Senegal, hase yeeshee Masar oo iyaduna lugtii hore ee waddankooda kusoo badiyey 1-0 ayaa waxay isku-darka natiijada labada ciyaarood ka dhigtay 1-1, waxaana lagu daray 30 daqiiqadood oo dheeraad ah.

Senegal ayaa ciyaarta maamulaysay soddonkii daqiiqadood ee dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta, waxaanay heshay dhawr fursadood oo kale oo ay goolal u beddeli karayeen iyadoo gool ku laad ay ku soo baxeen Dalka Senegal.

Dhinaca kale, Ghana ayaa usoo baxday Koobka Adduunka kaddib markii ay barbarro 1-1 ah wada galeen Nigeria oo ciyaartii hore ee ka dhacday Ghana ay barbarro goolal la’aan ah kusoo kala baxeen.

Thomas Partey ayaa noqday halyeyga Ghana u diray waddanka Qatar ee daqiiqaddii tobnaad hoggaanka u dhiibay xulkiisa, waxaana waxba tari waayey gool barbarro ah oo ay Nigeria la timid, sidaana waxa kusoo baxday Ghana maadaama ay gool ku dhalisay gudaha Nigeria, ciyaartuna barbarro noqotay.

Senegal iyo Ghana ayaa noqonaya labada waddan ee ugu horreeya ee Afrikaan ah ee usoo gudbay Koobka Adduunka, waxaana la sugayaa saddex kale oo soo raaci doona mar dhow.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*