Safka Chelsea uga hortageyso Kooxda Manchester City ee Uefa Champions League Finalkiisa 2021

Kooxaha Chelsea iyo Manchester City ayaa geesaha isku laabi doona finalka koobka UEFA Champions League-ga oo ka dhici doona garoonka Estadio do Dragao ee dalka Portugal goor dambe oo maanta ah. 

Labada kooxba waxay xaqiijiyeen afarta sare ee Premier League waxayna isha ku hayaan inay xilli ciyaareedkaan si xoogan ku soo gabagabeeyaan, Pep Guardiola wuxuu doonayaa inuu gacanta ku dhigo Koobka Yurub isagoo ku sugan kooxda Manchester City.

Dhinaca kale, Thomas Tuchel oo nolol cusub ka bilaabay Chelsea tan iyo markii uu booska kala wareegay Frank Lampard ayaa doonaya in uu koobka qaado.

Tababaraha reer Germany ayaa noqday tababarihii ugu horeeyay ee taariikhda gaara finalka xilli ciyaareedyo xiriir ah  isagoo xilli ciyaareedkii hore sidaas kula sameeyay Paris Saint-Germain.

waxaana halkan ku soo qaadan doonaa sida ay Chelsea ula safan karto kulanka Manchester City kulanka UEFA Champions League ee ka dhacaya Portugal.

Goolhayaha Chelsea – Edouard Mendy

Daafacyada Chelsea – Reece James, Cesar Azpilicueta, Thiago Silva, Antonio Rudiger iyo Ben Chilwell

Khadka Dhexe ee Chelsea – N’Golo Kante, Jorginho, Mason Mount

Weeraryahanada Chelsea – Timo Werner iyo Christian Pulisic

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*