Ac Milan oo Gurigeeda lagu Xasuuqay, Roma oo guul gaartay, PSG oo Hogaanka sii dheereesatay, Kulamada Laga Ciyaaray Horyaalada Caalamka

Ac Milan oo la ciyaartay kooxda Sassuolo ayaa la kulantay guul daro lama filaan ah waxana lagu dubtay 1-3 iyadoo lumisay fursad ay hogaanka kula heyn laheyd kooxda Napoli.

Gool ay iska dhalisay Ac Milan iyo labo gool oo ay ku dareen Gianluca Scamacca iyo Domenico Berardi ayaa Sabab u ahaa guul darada soo gaartay Ac Milan.

Ac Milan ayaa wali ku jirta kaalinta 2aad iyagoo leh 32 dhibcood waxana ay Saddex dhibcood ka danbeysa Napoli.

Dhanka kale Roma ayaa guul ka gaartay kooxda Torino waxana goolka kaliya ay ku badisay Roma u saxiixay xidiga Tammy Abraham.

Roma ayaa soo gashay kaalinta 5aad ee horyaalka iyagoo leh 25 dhibcood waxana 7 dhibcood ka danbeeyaan kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Ac Milan.

Ligue 1

kooxda PSG oo booqasho ugu tagtay kooxda Saint-Etienne ayaa halkaasi ku soo gaartay guul muhiim ah iyadoo xidiga Neymar Naxashka dadka lagu qaado garoonka looga saaray.

Xidiga Messi ayaa sameeyay Saddex Caawin isagoo kulanka sameeyay mid kamid ah ciyaarihiisa ugu feecnaa tan iyo markii uu yimnid kooxda.

labo gool uu dhaliyay Marquinhos iyo gool uu ku daray Di Maria ayaa ka caawiyay Macalin Pochettino ka caawiyay inuu iska masaxo ceebtii kasoo raacday Manchester city.

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*