Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa u mahad celiyay Sadio Mane kadib markii uu xiddiga reer Senegal u dhaqaaqay Bayern Munich .
Labada nin ayaa wada sameeyay mid ka mid ah weeraradii ugu cabsida badnaa taariikhda Premier League muddo shan sano ah oo ay ku wada sugnaayeen garoonka Anfield.
Reds ayaa ku guuleysatay FA Cup, Premier League , Champions League iyo Carabao Cup iyadoo Mane iyo Salah ay hogaaminayaan weerarkooda iyagoo garabsanaya Roberto Firmino .
Mane ayaa Bayern ugu biiray heshiis ku kacaya 41 milyan oo euro, Salah ayaana uga mahad celiyay wadashaqeynta Merseyside.
“Waxay ahayd wax cajiib ah!” Salah ayaa ku yori qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.
“Waad ku mahadsan tahay dhammaan waqtiyada wanaagsan, waxaana kuu rajeynaynaa dhammaan wanaagga safarkaaga cusub! Waan ku tebi doonaa dhammaanteen.”