
Ante Rebic ayaa ka soo kacay kursiga keydka si uu barbaro 2-2 ah ula galeen hogaamiyayaasha Serie A ee Milan.
Junior Messias ayaa hogaanka u dhiibay Rossoneri Ciyaarta oo socota 5 Daqiiqo garoonka Stadio Arechi, waxaa goolkaasi ka bar-bareeyay xidiga Federico Bonazzoli iyadoo lagu kala nastay bar-baro 1-1.
Qeybta labaad Salernitana ayaa qabatay hogaanka Ciyaarta waxana gool u dhaliyay Milan Djuric Daqiiqadii 72aad lakin Shan daqiiqo kadib waxa goolkaasi ka bar-bareeyay A. Rebic iyadoo ciyaarta ay ku soo dhamaatay 2-2.
natiijadan waxay dhabar jab ku noqotay kooxda Stefano Pioli madama ay lumiyeen fursad ay afar dhibcood kaga sareen kareen kooxda ay xifaaltamaan ee Inter, oo laba kulan heysata
Milan ayaa ku soo laabaneysa San Siro si ay jimcaha u wajahdo Udinese, halka Salernitana ay gurigeeda ku qaabilayo Bologna sabtida soo socota.
Be the first to comment