Home Warar Ciyaaraha Maanta Sampdoria oo xaqiijisay in Andrea Pirlo laga ceyriyay shaqadii macalinimo

Sampdoria oo xaqiijisay in Andrea Pirlo laga ceyriyay shaqadii macalinimo

0

Sampdoria ayaa xaqiijisay in Andrea Pirlo laga ceyriyay shaqadii macalinimo kadib 14 bilood oo uu hogaaminayay kooxda Seri B.

Halyeeygii hore ee xulka Italy ayaa ka tagaya kooxda ka dib qaab ciyaareed xun oo uu ku bilowday xilli ciyaareedka 2024-25, isagoo kaliya hal dhibic ka helay seddexdii kulan ee furitaanka, taasoo ka dhigtay Sampdoria inay kaalinta labaad kaga jirto heerka labaad.

Sampdoria ayaa barbaro la gashay kooxda dhawaan u laabatay heerka labaad ee Frosinone maalintii furitaanka xilli ciyaareedka, laakiin ka dib waxa ay guuldarooyin 1-0 ah iyo 3-2 kala kulmeen Reggiana iyo Salernitana siday u kala horreeyaan.

Waana sababta dhabta ah ee Pirlo kooxda looga diray.

Sampdoria ayaa xaqiijisay in shaqaalihii tababarka Pirlo ay dhamaantood ka tageen kooxda sida Roberto Baronio, Mauro Bertoni, Nicola Pavarini iyo Raffaele Clemente.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here