Home Wararka Ciyaaraha Sawirka: Sadio Mane oo lagu sawiray isagoo xiran Maaliyada Bayern Munich isagoo...

Sawirka: Sadio Mane oo lagu sawiray isagoo xiran Maaliyada Bayern Munich isagoo maray Qeybta hore ee Tijaabada Caafimaadka

0

Sadio Mane ayaa soo gabagabeeyay qaybtii hore ee tijaabada caafimaadka Bayern Munich ee Germany kadib markii uu ka soo duulay Majorca Talaadadii xilli uu weeraryahanku ku sii dhawaanayo u dhaqaaqista kooxda Bundesliga ka dhisan.

Liverpool ayaa heshiis 35.1 milyan ginni ah kula heshiisay 30 jirkaan kooxda reer Jarmal todobaadkii hore, waxaana uu subaxnimadii Talaadada ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Munich.

Xiddiga weerarka uga ciyaara ayaa Bavaria ku yimid diyaarad khaas ah oo ka timid Majorca isaga iyo la taliyihiisa Bjorn Bezemer ka dibna waxa uu aaday isbitaalka Barmherzige Bruder si uu u maro tijaabada caafimaadka.

Ka dib, Mane ayaa ka soo baxay xarunta caafimaadka isagoo xiran qalabka tababarka ee Bayern Munich, waxaana uu sawiro la galay taageerayaashii dibadda.

Xiddiga weerarka ka ciyaara ayaa la filayaa in ay kooxda difaacanaysa Bundesliga ku soo bandhigto Arbacada garoonka Allianz Arena.

Reds ayaa ka cago jiiday inay lumiso xiddigeeda xagaagan, laakiin u dhaqaaqista ayaa noqotay mid lama huraan ah markii xiddiga heerka caalami ee dalka Senegal, oo ku jira sannadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa uu xaqiijiyay inuu doonayo inuu ka tago Anfield.

Previous articleChelsea oo Dalab ka Gudbinaysa xiddiga Real Madrid Eder Militao.
Next articleBarca iyo Raphinha oo heshiis gaaray halka Arsenal ay wadahadalo toos ah kula jirto Leeds

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here