Home Wararka Ciyaaraha Maanta Saxiixa David Alaba oo soo afjaraya Mustaqbalka Sergio Ramos ee Real Madrid

Saxiixa David Alaba oo soo afjaraya Mustaqbalka Sergio Ramos ee Real Madrid

0

Fabrizio Romano ayaa soo wariyay in Real Madrid ay heshiis la gaartay daafaca reer Austria David Alaba heshiiskiina uu xirmay.

Daafaca Bayern Munich ayaa ku biiri doona Los Blancos dhamaadka xilli ciyaareedkaan si xor ah.

The Guardian ayaa warinaysa in Alaba uu diiday dalabyo uga yimid kooxaha Chelsea , Manchester United, Manchester City, iyo Paris Saint-Germain ka hor inta uusan aqbalin heshiiska ay Madrid kula jirtay ee afarta sano ah.

Imaatinka David Alaba ayaa macnaheedu noqon karaa bixitaankii Sergio Ramos dhamaadka xilli ciyaareedkan. Qandaraaska Ramos ayaa dhacaya bisha June walina ma uusan ogolaanin inuu heshiis cusub u saxiixo Real Madrid.

Alaba ayay u badan tahay in loo keenay bedelka Ramos madama xiddiga reer Austria uu u ciyaari karo daafac dhexe iyo daafac bidix.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here