Halyeeyga Manchester United Paul Scholes ayaa sheegay in afar ciyaaryahan oo kooxda koowaad haatan ka tirsan ay dhibane u noqon karaan nidaamka cusub ee Ruben Amorim.
Amorim ayaa qaban doona kulankiisii ugu dambeeyay ee Sporting isbuucaan ka hor inta uusan u dhaqaaqin doorkiisa cusub ee Old Trafford.
39-sano jirkaan ayaa loo magacaabay bedelka Erik ten Hag oo la ceyriyay kadib markii Man Utd ku daah furatay qaab ciyaareed xun xili ciyaareedkaan.
Intii uu ku jiray xirfadiisa maamul, Amorim waxa uu ku ciyaaray shax gaar ah oo ah 3-3-4-3 taas oo u horseeday guulo.
Scholes ayaa u sheegay TNT Sports: “Waxaa jira seddex ama afar ciyaaryahan, oo dhibane u noqon kara nidaamka cusub.
Marka ay timaado seddexda dambe ee difaaca, wuxuu heystaa lix daafac oo uu kala dooran karo.
Ma hubo in Rashford iyo Garnacho fursada garbaha heli karaan ama daafacyada Dalot iyo Mazraoui ay doorkooda ciyaari karaan.