Warbaahinta Isbaanishka ee El Confidencial ayaa baahisay war aad u weyn maanta oo Khamiis ah iyagoo sheegaya in seddex ka mid ah ciyaartoyda Real Madrid la xiray iyagoo loo heysto inay muuqaalo anshax xumo ak duubeen caruur.
Baaritaanada, oo ay fulinayaan Booliska Garsoorka ee Ilaalada Madaniga ah ee Las Palmas, ayaa eegaya eedeymo la xiriira muuqaal galmo ah oo laga duubay ilmo yar. Muuqaalka ayaa la sheegay in loo qeybiyay ciyaartooy kale.
Madaama baaritaanka uu marayo marxalad hore, lama shaacinin magacyada seddexda ciyaaryahan ee la xiray.
Ilo wareedyo El Confidencial u waramay ayaa soo jeedinaya in ciyaartoyda la xiray ay ka tirsan yihiin Real Madrid Castilla ama kooxda seddexaad ee Los Blancos, inkastoo ay jirto suurtagalnimada in ciyaartoy kale – oo ay ku jiraan kuwa kooxda koowaad – ay ku lug leeyihiin.
Real Madrid ayaan wali wax war ah kama soo saarin arintaan oo mareysa heerkeedii ugu horeeyay. Ilaa hadda lama oga in ay wax tallaabo ah ka qaadeen ciyaartoyda falkaan fooshu xun ku lug lahaa.