Senegal 0-0 Masar: 4-2 Rigoorayaal oo Libaaxyada Teranga ku Qaadeen koobkii ugu horreeyay ee AFCON

Xulka Senegal ayaa markii u horreysay ku guuleystay tartanka koobka qaramada Afrika iyaga oo rikoodheyaal ku garaacay waddanka shanta jeer ku guuleystay ee Masar oo ay rikoodheyaal 4-2 ah ku karbaasheen.

Senegal oo aan waligeed hore ugu soo guuleysanin tartartankan ayaa kasoo kabatay waji-gabaxii tartankii hore kasoo gaadhay ee finalka ay Algeria koobka kaga qaadday.

Sadio Mane ayaa noqday halyeyga xulkiisa ee dhaliyey rikoodhaha ay koobka ku qaadeen inkasta oo uu bilowgii ciyaarta lumiyey rikoodhe.

Ciyaar ay inteeda badan daadihinayeen Senegal ayay ka faa’iidaysan waayeen fursado badan oo ciyaarta gudaheeda ah, halka Masar ay kubbadaheedu ku lumayeen inta aanay soo gelin xerada ganaaxa oo ay adkayd in ay xataa soo gaadhaan.

Senegal ayaa  loo dhigay rikoodhe laga soo daawaday VAR daqiiqaddii afraad kaddib markii uu Mohamed Abdelmonem qalad ku galay Saliou Ciss, hase yeeshee Sadio Mane oo u dhiibay goolhaye Mohamed Abougabal.

Waqtigii asalka ahaa ee ciyaarta iyo soddon daqiiqadood oo dheeraad ahaa oo lagu daray ayaa intuba kusoo dhamaaday barbarro goolal la’aan ah, waxaana loo dhigay rikoodheyaal ay guushu ku raacday Senegal.

Sadio Mane ayaa dhaliyay rigooradii ugu danbeesay iyadoo Senegal ay ku badisay Rigoorayaal gaaraya 4-2.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*