Senegal 2-0 Cape Verde: Mane oo gool u dhaliyay Xulkiisa oo iska Xaadiriyay Sideed dhamaadka

Sadio Mane ayaa dhaliyay gool qurux badan oo madax ah oo Senegal u diray wareega 8-aad ee koobka qaramada Afrika, Xulka Cape Verde ayaa laba ciyaartoy kaarka cas ka qaatay iyagoo la kulmay guul-daro 2-0.

Kulankan oo ka dhacay garoonka Kouekong Stadium, oo ah kii ugu horeeyay ee kooxahan ku dhexmara tartamada qaaradaha, Xidiga Patrick Andradeayaa ayaa laga saaray ciyaarta 21 daqiiqo ka dib markii VAR ay eegtay qalad uu ku galay Pape Gueye.

Cape Verde, ayaa ku adkeystay inay xakameeyaan kooxda Aliou Cisse si ay u helaan saameyn wanaagsan isla markaana ay sii nooleeyaan fursada ay ku gaari karaan sideed dhamaadka markii ugu horeysay tan iyo 2013.

Si kastaba ha ahaatee, faragelin kale oo VAR ah ayaa keentay in goolhaye Vozinha la siiyo kaarka cas waxana Xulka Senegal hogaanka u dhiigay Mane oo dhaliyay kubad madax aheyd daqiiqadii 63aad waxana gool labaad ku daray Bamba Dieng dhamaadka ciyaarta guul ahaan kulankan ayaa ku soo dhamaaday 2-0.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*