Home Wararka Ciyaaraha Sergej Milinkovic-Savic oo doonaya inuu u dhaqaaqo Manchester United xagaagan’

Sergej Milinkovic-Savic oo doonaya inuu u dhaqaaqo Manchester United xagaagan’

0
Ad

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Lazio Sergej Milinkovic-Savic ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu ku biiro Manchester United ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga xagaagan.

Mustaqbalka 27-sano jirkaan ayaa ahaa mid aad loo hadal hayay dhowrkii bilood ee ugu dambeeyay, iyadoo kooxo badan la rumeysan yahay inay xiiseynayaan xiddiga Serbia.

Ad

Arsenal iyo Newcastle United ayaa dhawaanahan loo tixgalinayay xiisaha ay u qabaan ciyaaryahanka khadka dhexe, halka ay jireen soo jeedinno ku aadan in Man United ay dareenkeeda u weeci doonto Milinkovic-Savic, maadaama ay ku jahwareersan yihiin raacdada ay ugu jiraan xiddiga Barcelona Frenkie de Jong .

Sida laga soo xigtay Tuttosport , Serbian-ka ayaa xiiseynaya inuu ku biiro kooxda 20-ka jeer heysata horyaalka Ingariiska xagaagan, waxaana uu ka dooran lahaa kooxaha sida Arsenal iyo Newcastle hadii uu doorto.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Lazio aysan weli wax dalab ah ka helin ciyaaryahanka khadka dhexe, laakiin Man United ayay u badan tahay inay u dhaqaaqdo haddii ay go’aansato inay ka quusato De Jong, kaasoo weli u dagaalamaya inuu sii joogo Barcelona.

Previous articleBarcelona oo qarka u saaran inay la soo wareegto daafaca Sevilla ee Jules Kounde
Next articleChelsea oo u jeedsatay dhanka daafaca Monaco ee Badiashile ka dib markii seegeen Kounde

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here