Home Horyaalka Ingiriiska Sergio Aguero oo doonayay inuu ku biiro Barcelona xagaagan

Sergio Aguero oo doonayay inuu ku biiro Barcelona xagaagan

0

Manchester City weeraryahankeeda Sergio Aguero ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu u dhaqaaqo in Barcelona xagaagan.

32 jirkaan qandaraaska uu ku joogo Etihad Stadium ayaa dhacaya dhamaadka bisha June, waxaana muuqata inay sii kordheyso in ciyaaryahanka reer Argentina uu raadsan doono koox cusub xilli ciyaareedka 2021-22.

Aguero ayaa kaliya shan kulan saftay Premier League xilli ciyaareedkaan sababo la xiriira isku dhaf dhaawac iyo coronavirus, mana kala cada waqtiga uu diyaar noqon doono markale.

Barca ayaa dhawaanahan lala xiriirinayay xidigan kaasoo ah ciyaaryahanka ugu goolasha badan City isagoo dhaliyay 256 gool 379 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Sida laga soo xigtay Cadena Ser , kooxda reer Catalans ayaa durbaba xiriir la sameysay Aguero si uu ugu dhaqaaqo, weeraryahanka qibrada leh ‘wuu ku farxi lahaa’ inuu u dhaqaaqo Camp Nou.

Warbixinta ayaa sheegeysa in imaatinkiisa ay sidoo kale ka caawin karto kooxda inay sii heysato Lionel Messi , kaasoo weli lala xiriirinayo kooxaha sida Man City iyo Paris Saint-Germain .

Aguero ayaa dhaliyay kaliya labo gool sagaal kulan oo uu u ciyaaray kooxda Pep Guardiola xilli ciyaareedkan.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here