Sergio Aguero oo ka maqan kulanka Manchester City ee Brighton

Sergio Aguero ayaan diyaar u aheyn kulanka Manchester City ee Premier League ay la ciyaarayaan Brighton, tababare Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay.

Weeraryahanka reer Argentina ayaa seegay kulankii FA Cup ee Axadii ay ka badiyeen Birmingham ka dib markii laga codsaday inuu is karantiilo mamada uu la kulmay qof Corona qaba.

Waa dhabar jab kale oo soo food saartay weeraryahankaan, kasoo laabashadiisa qalliinka jilibka xilli ciyaareedkan ay durba murugtay xanuun dheeri ah oo ka soo gaaray jilibka iyo dhaawac muruqa ah.

32 jirkaan oo aan bilaabin ciyaar tan iyo bishii Oktoobar ayaa la filayay inuu ciyaaro isbuucii hore.

Markii wax laga weydiiyay Aguero shirkiisa jaraa’id, Guardiola ayaa yiri: “Karantiil, ayaa ku jiraa gaar ahaan Sagaal ama 10 maalmood kadib wuu soo laaban doonaa sharciga marka la eego.”

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*