Sergio Aguero ayaa u magacaabay kooxaha Manchester City,Barcelona iyo Arsenal inay yihiin saddexda kooxood ee ugu cadcad ku guulaysiga Champions League.
Champions League ayaa bilaabay inuu qaab cusub yeesho iyadoo dhammaan 36-da kooxood ee tartanka ku jira ay ciyaarayeen seddex kulan.
Kooxaha Ingariiska ayaa ku riyaaqay bilow cajiib ah, iyadoo Aston Villa, Liverpool iyo Man City ay haatan ku jiraan seddexda boos ee ugu sareysa.
Arsenal ayaa ku jirta kaalinta 9-aad balse waxa ay isku dhibco yihiin Manchester City oo kaalinta saddexaad ku jirta, iyadoo Real Madrid oo horyaalka difaacanaysa ay ku jirto kaalinta 12aad, halka kooxda ay isku magaalada yihiin ee Atletico ay hoos u dhacday 27 aad.
Qaab ciyaareedkaan cusub ee Champions League, 12-ka kooxood ee ugu sareysa ayaa si toos ah ugu gudbi doona wareega 16ka, iyadoo 12-ka kooxood ee kale ay u gudbi doonaan ama ciyaari doonaan kulamo kala bax ah.
“Kani waa qaab cusub oo Champions League ah, waxaan filayaa in sanadkan uu noqon doono mid la yaab leh,” ayuu halyeeygii Aguero u sheegay Stake.
“Qaabkani wuxuu ka caawin karaa kooxaha yaryar inay horumaraan oo ay u soo baxaan wareega xiga. Tani waxay sidoo kale ku adkeyn kartaa waxyaabo naadiyada waaweyn si ay ugu qalmaan”.
“Waxaan mar walba dareemayay in kooxda ugu cadcad ku guuleysiga tartanka ay tahay Manchester City, ka dibna Real Madrid, laakiin waxaan sidoo kale arkaa koox Arsenal ah oo aad u xoogan”.