Xiddiga khadka dhexe ee Barcelona iyo xulka qaranka Spain ee Sergio Busquets ayaa shaaciyey inuu ka fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah, isla markaana Koobkii Adduunka ee Qatar ee uu kabtanka u ahaa dalkiisu uu ugu dambeeyey inuu u ciyaaro Spain.
Sergio Busquets oo ay da’diisu tahay 34 jir ayaa Spain u ciyaaray afar Koob Adduun oo kasoo bilowday 2010, 2014, 2018 iyo 2022, waxaana muddo 13 sannadood ahayd oo uu u dheelayay xulkiisa uu la gaadhay guulo badan.
Sergio Busquets ayaa ah ciyaartoyga saddexaad ee kulamadii ugu badnaa u ciyaaray Spain, waxaana uu u saftay 143 kulan. Kaliya Sergio Ramos oo 180 ciyaarood u dheelay iyo Iker Casillas oo 167 kulan u ciyaaray ayaa ka badan, waxaana muddadaas uu u dhaliyey laba gool, balse waxa uu ahaa udub-dhexaad ku suntan guulaha dalkiisa.
Vicente del Bosque ayaa sannadkii 2009 kusoo daray xulka Spain, waxaana uu khad dhexe oo adag ka garab abuuray Xabi Alonso oo ay iska barbar-ciyaarayeen, waxaana uu kula guuleystay Koobkii Adduunka 2010 iyo Euro 2012, iyaga oo muddo afar sannadood ah dunida ka talinnayay.
Qoraal dheer oo uu ku daabacay bartiisa Instaram ayaa waxa uu Sergio Busquets ku sheegay in uu si rasmi ah usoo afjaray ciyaaraha caalamiga ah oo muddo 15 sannadood ah uu kusoo jiray iyo 143 ciyaarood oo uu u saftay qarankiisa.
Waxa uu ku nuux-nuuxsaday inay u ahayd sharaf iyo karaamo weyn inuu dalkiisa u ciyaaro oo uu waliba guulo waaweyn la gaadhay, balse hadda la gaadhay xilligii uu kabaha tiirin lahaa. Waxa uu u mahad-celiyey tababarihii kulankiisii koowaad ee xulka safay ee Vicente del Bousque oo uu sheegay inuu siiyey fursaddii uu ku bilaabay ciyaaraha caalamiga ah. Waxa kale oo uu u mahad-celiyey Julen Lopetegui, Fernando Hierro iyo Roberto Moreno.