Sergio Busquets oo ka hadlay guuldaradii la yaabka lahayd ee ay kala kulmeen Japan

Photo/ Reuters

Xiddiga xulka qaranka Spain ee Sergio Busquets ayaa ka hadlay guuldaradii la yaabka lahayd ee ay kala kulmeen Japan kadib markii ay guuldaro 2/1 ah kala kulmeen kulan koobka adduunka ah.

Ciyaarta oo uu marti galiyay garoonka Khalifa Stadium ayaa ku bilaawday gool uu dhaliyay Alvaro Morata daqiiqadii 11-aad, ka hor inta aysan Japan ka jawaabin labo gool oo ay dhaliyeen Ritsu Doan daqiiqadii 48-aad iyo Ao Tanaka daqiiqadii 51-aad.

“Ciyaartu waxa ay ku bilaabatay anaga oo maamulayna ciyaarta laakiin waxa ay qaadeen laba weerar oo rogaal celis ah waxana ay dhaliyeen laba gool qaybta dambe”.

Ciyaaryahanka xulka qaranka Spain oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Ma dooneynin inaan ku soo baxno kaalinta labaad ee group-ka, ujeedkayagu wuxuu ku socday guul, hadda waa inaan sii wadnaa inaan horay u socono, hadda waxaan wajihi doonaa Morocco wareega 16-ka kulankuna waxa uu noqon doonaa mid aad u adag”.

Waxa uu intaasi ku daray “Ma aanan dareemeynin raaxo, sababtoo ah Japan ayaa si fiican u xirtay boosaska, waxaana nagu adkeyd in aan abuurno khatar, waxaan ogayn in uu kulanku sidaas noqon doono”ayuu sii raaciyay.

Spain waxay la ciyaari doontaa Morocco kulan ka trisan wareega 16-ka koobka adduunka kulan ka dhici doona garoonka Education City Stadium.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*