Sergio Ramos oo heshiis qaali ah u saxiixi kara Kooxda Manchester United

Photo Reuters

Kabtanka Real Madrid Sergio Ramos ayaa lagu soo waramayaa inuu diiday heshiiskii ugu dambeeyay ee qandaraaska ee Real Madrid, waxaana uu qarka u saaran yahay inuu u dhaqaaqo Manchester United .

Qandaraaska ciyaaryahanka reer Spain uu kula joogo kooxda ka dhisan La Liga ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedka, taasoo la micno ah inuu bilaabi karo wadahadalo uu kula jiro kooxaha doonaya.

Sida laga soo xigtay Todofichajes , Sergio Ramos ayaa diiday qandaraaska Real Madrid wuxuuna go’aansaday inuu u dhaqaaqo Premier League. Warbixinta ayaa sheegeysa in wakiilka daafaca uu u safri doono England isbuuca soo socda si uu heshiis ula saxiixdo Manchester United.

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay u soo bandhigtay 34 jirkaan qandaraas labo sano ah oo ay ku jirto 10% hoos u dhigista qandaraaskiisa haatan. Si kastaba ha ahaatee, rugcadaaga dhexe ee daafaca ayaa haatan indhaha ku haya heshiis labo sano ah oo uu kula joogayo kooxda Manchester United, kaasoo la sheegay inuu mushaar ahaan u qaadan doono £ 200,000 toddobaadkii.

Red Devils ayaa inta badan lala xiriirinayay inay u dhaqaaqeyso Sergio Ramos sanadihii ugu dambeeyay, waxaana ay haatan si bilaash ah ku heli karaan ninkooda xagaagan.

Manchester United ayaa haatan suuqa ugu jirta daafac tayo sare leh si ay ula wadaagaan Harry Maguire oo ah wadnaha daafaca. Ole Gunnar Solskjaer ayaan kalsooni ku qabin Victor Lindelof iyo Eric Bailly wuxuuna aad u doonayaa inuu lasoo saxiixdo Sergio Ramos oo ka tirsan Real Madrid.

Red Devils ayaa, si kastaba ha ahaatee, loolan adag kala kulmi doonta Paris Saint-Germain. Kooxda heysata horyaalka Ligue 1 ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso inay u soo bandhigto kabtanka Real Madrid heshiis seddex sano ah oo ku kacaya 30 milyan oo ginni. Nasiib darro iyaga, waxaa la sheegay inuu doorbidayo u dhaqaaqista Premier League.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*