Home Warka Xiisaha Leh Sergio Ramos Oo Ku Biiray Liiska Dhaawacyada Iyo Lionel Messi oo asna...

Sergio Ramos Oo Ku Biiray Liiska Dhaawacyada Iyo Lionel Messi oo asna ka Maqan

0
Ad

Kooxda kubadda cagta PSG ayaa walwal uu hadheeyey ka hor ciyaarta Axadda ay foodda is-dari doonan Rennes, waxaana ka maqan darsin ciyaartooyo ah oo uu ku jiro Lionel Messi oo aan kasoo xaadirin tababarkii ugu dambeeyey oo uu kaga maqnaaday sabab aan la garanayn.

Tababare Christophe Galtier oo uu cadaadis badan saarani yahay, isla markaana ay soo baxayaan warar sheegaya in shaqada laga eryi doono marka uu dhamaado xilli ciyareedkan socda, ayaa waxa uu waayi doonaa dersin ciyaartooyo ah.

Ad

Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messii oo dhawr ciyaarood dhaawac ku seegay bishii hore ayaan kasoo qayb-gelin tababarkii ay kooxdiisu iskugu diyaarinaysay Rennes, lamana garanayo sabababta maqnaanshihiisa sida uu sheegay wargeyska L’Equipe ee kasoo baxa waddanka Faransiiska.

35 jirkan oo sannadkan cusub ee 2023 bandhig heersare ah samaynayay isla markaana dhaliyey 13 gool iyo 13 uu caawiye ka noqday, ayaa maqnaanshihiisa loo tirinayaa inuu sababay dhaawac laakiin tababare Galtier ayaa shirka jaraa’id ee ka hor ciyaarta Rennes lagu weydiin doonaa su’aasha.

PSG oo toban dhibcood ku hoggaaminaysa horyaalka Faransiiska ee Ligue 1, ayaa waxa kale oo ka dhaawacmay difaaca reer Spain ee Sergio Ramos oo shalay garoonka laga saaray markii uu dhaawac kasoo gaadhay ciyaar qaab tababar loo dheelayay oo ay ciyaartoyda kooxda koowaad iyo kuwa kooxda da’yartu iskaga hor yimaaddeen.

Muddada uu maqnaanayo iyo inta uu le’egyahay dhaawaca Sergio Ramos ayaan wali la ogaanin, hase yeeshee waxa uu liiska dhaawacyada kula biirayaa Marquinhos oo dhaawac lagaga saaray ciyaartii Bayern Munich ee toddobaadkii hore, Achraf Hakimi oo isaguna ku noqday dhaawac uu kasoo kabtay iyo Nordi Mukiele oo muruqa ka dhaawacan.

Previous articleBarcelona oo heshay war ka nixiyey ka hor ciyaarta adag ee ay beri ku martigelin doonaan Real Madrid
Next articleZlatan Ibrahimovic Oo Rikoor Cajiib ah Ka Dhigay Horyaalka Serie A

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here