Sergio Romero oo ka tagaya Manchester United xagaagan

Sergio Romero ayaa lagu soo waramayaa inuu ka tagi doono Manchester United dhamaadka xilli ciyaareedka 2020-21.

34 jirkaan ayaa inta badan ahaa goolhayaha labaad ee kooxda tan iyo markii uu ka yimid Sampdoria, laakiin hal kulan uma uusan ciyaarin kooxda Ole Gunnar Solskjaer xilli ciyaareedkan.

David de Gea , Dean Henderson , Lee Grant iyo Nathan Bishop ayaa haatan dhamaantood ka horeeya sida laga soo xigtay Football Insider , xiddiga reer Argentina ayaa ka tagi doona xagaagan.

Warbixinta ayaa sheeganeysa in xidiga South America aan loo kordhin doonin qandaraaskiisa haatan, kaasoo dhacaya dhamaadka bisha June, taasoo la micno ah in lagu heli doono qaab bilaash ah.

Romero ayaa la rumeysan yahay inuu ku dhawaa inuu ku biiro Everton xagaagii lasoo dhaafay, laakiin Man United ugu dambeyntii diyaar uma aheyn inay u ogolaato goolhayaha qibrada leh inuu amaah ugu dhaqaaqo Toffees.

Da’yarkii hore ee Racing Club ayaa 61 kulan u saftay kooxda 20-jeer hanatay horyaalka Ingiriiska.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*