Sevilla ayaa dhameystirtay saxiixa daafaca bidix Alex Telles oo ay kala soo wareegeen Manchester United heshiis amaah ah oo xilli ciyaareed ah.
Kooxda La Liga ka dhisan ayaa la rumeysan yahay inay aqbashay inay bixiso 29 jirkaan mushaarkiisa oo dhan, inkastoo aysan jirin ikhtiyaar ay ku iibsan karaan xiddiga reer Brazil xagaaga soo aadan.
Telles ayaa noqday saxiixii labaad ee Julen Lopetegui ee suuqa kala iibsiga xagaagan ka dib imaatinka xiddiga ay isku wadanka yihiin ee Marcao oo kaga yimid Galatasaray aduun dhan 10 milyan ginni.
Sevilla ayaa ku xaqiijisay imaatinka Telles boggeeda rasmiga ah iyo baraha bulshada, halka Telles uu bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay inuu si ku meel gaar ah ugu biirayo Los Rojiblancos.
Qoraal ka soo baxay daafaca ayaa lagu yiri: “VAMOS! Waxaa sharaf ii ah fursadan, waxaan la imid rabitaan badan oo aan ku kordhinayo oo aan u helo natiijooyinka ugu macquulsan ee Sevilla, ma sugi karo kulanka ugu horeeya oo aan awoodo inaan caawiyo saaxiibadeyda. “