Home Warka Xiisaha Leh Shabakadda Whoscored.com oo soo saartay shaxda ay ku salaysay qiimaynteedii xilli ciyaareedka...

Shabakadda Whoscored.com oo soo saartay shaxda ay ku salaysay qiimaynteedii xilli ciyaareedka oo dhan

0
Ad

Shabakadda Whoscored.com ayaa soo saartay shaxda ay ku salaysay qiimaynteedii xilli ciyaareedka oo dhan ee xog ahaan ugu wanaagsan horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan dhammaadka ah ee 2022-23.

Shaxda shabakaddan ayaa laga waayay kabtanka Arsenal ee Martin Odegaard oo xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa qaatay iyo Mohamed Salah oo 19 gool horyaalka uga soo dhaliyay Liverpool.

Ad

Sidoo kale xiddigaha Manchester City kula soo guuleystay horyaalka ee Rodri, Ilkay Gundogan, John Stones iyo Bernardo Silva ayaan kasoo muuqan.

Goolhayaha xulashadan ayaa ah David Raya oo xilli ciyaareed cajiib ah kusoo qaatay Brentford, Pinnock oo isla Brentford ah iyo Fabian Schar oo laf-dhabar u ahaa inay Newcastle Champions League usoo baxdo ayaa labada daafac dhexe kasoo wada muuqday.

Kieran Trippier oo xiddigii sanadka ee Newcastle loo doortay iyo Luke Shaw oo markale aad muhiim ugu ahaa Man United ayaa garbaha daafaca kasoo muuqday.

Labada khad dhexe ee shaxdan ayaa ah mishiinada kubad samaynta Man United iyo Man City ee Bruno Fernandes iyo Kevin De Bruyne halka labada garab weerar yihiin Bukayo Saka oo hoggaaminayay Arsenal iyo Jack Grealish oo boos iyo saamayn joogto ah ku lahaa Man City.

Labada dhaliye ee shaxda WhoScored oo 4-4-2 ah ayaa kala ah Erling Haaland oo rekoodhkii gool-dhalinta Premier League jabiyay iyo Harry Kane oo qudhiisu 28 gool kasoo dhaliyay horyaalka isagoo metelaya Tottenham oo xaaladu ku xuntahay.

Shaxda & Qiimaynta Xiddig Kasta Kusoo Galay

Previous articleManchester United oo kusoo biirtay tartanka loogu jiro xiddiga reer England ee Mason Mount
Next articleWAR DEG-DEG AH: Xiddig Ka Tirsan Barcelona Oo Shaaciyey Inuu Iskaga Tegayo Camp Nou Maalmo Kaddib Markii La Macasalameeyey Sergio Busquets

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here