Home Wararka Ciyaaraha Maanta Shakhtar Donetsk oo mar kale garaacday Real Madrid xili gurigeeda lagu ciyaaray

Shakhtar Donetsk oo mar kale garaacday Real Madrid xili gurigeeda lagu ciyaaray

0

Shakhtar Donetsk ayaa mar kale ceebeysay daafaca Real waxa ayna ka gaareen guul xaraarad leh iyaga oo uga talaabsaday labo gool oo nadiif ah

Real waxa ay ka sheegteen qaladaad daafaca ah iyo in sax ah kubadda u gaarsiiyaan afka hore kooxda Shakhtar Donetsk kuwaasi oo qeybtii hore kaliya ku xooganaa kubadaha rogala celiska ah .

Real qeybtii hore dhowr fursad waxaa ka bad baadiyay goolhayaha Shakhtar Donetsk xilli Real ay dhibaato ka dareemayeen dhinacyo kala duwan .

Real inkastoo kubadda ku badnaayeen qeybtii hore hadana xal ayay u waayeen in natiijo u turjumaan xilli dhanka daafaca iyo qad dhexe xittaa ay liiteen .

Qeybta labaad , Shakhtar Donetsk oo kubad degan ciyaareysay waa ay halis gilinayeen goosha Real waana laga filan karay xilli Real kubad isku dhex yaacsan oo bilaa qorshe ah ay soo bandhigayeen

Real , dhanka weerarka waa ay ka hurdeen xilli Zidane dhanka kale uu daahiyay badalada marka la eego in kooxdiisa ay dhibaatooneysay waxa uuna badalkiisa ugu horeeyay sameeyay daqiiqadii 77-aad waxa uuna waqtigaas oo wada giliyay Isco , Diaz iyo Junior oo loo badalay Oedegaard,Benzema iyo Rodrygo

Guud ahaan Real , kulankaan wax muuqda ay qabnteen ma jirrin aad ayayna uga fogaayeen heerkii lagu yaqiinay , waxa ayna taageerayaasha Real ka caroonayaan sababta Zidane uu ugu tiirsan yahay Varane oo qaladaad joogto gala xilli kulankaan uu sabab ahaa goolkii koowaad laga dhaliyay daqiiqadii57-aad

Kooxda Shakhtar Donetsk, daafac ahaan aad ayay u wacnaayeen xilli goolhayahoodana uu bad baadiyay dhowr kubad oo ay Realku toogteen goosha waxa ayna kooxda Zidane u nuglaayeen gool labaad

Difaaca Real ceeb ayaa ku habsatay waxaana looga daray gool labaad waxaana lahaa Manor Solomon oo daqiiqadii 74-aad badal lagu soo giliyay xilli goolkaasna uu yimid daqiiqadii 82-aad

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here