Shan maalmood oo kaliya oo Ousmane Dembele sii ahaan doonaa ciyaartoy ka tirsan Barcelona

Shan maalmood oo kaliya ayuu Ousmane Dembele sii ahaan doonaa ciyaartoy ka tirsan Barcelona, kaddibna waxa uu ka bixi doonaa liiska kooxda iyadoo uu geli doono mid kale oo loo badinayo inay noqonayso horyaalka waddanka Ingiiriska ee Premier League.

Barcelona oo laacibkan kasoo bixisay lacag ka  badan 115 milyan oo Euro shan sannadood ka hor ayaa waxay dadaal badan ku bixisay sidii ay ugu sii hayn lahayd Camp Nou maadaama waqtigiisii ugu badnaa uu u jiifay dhaawac oo uu seegay inta badan kulamada shantii sannadood ee uu joogay Barca.

Sida uu qoray wargeyska Mundo Deportivo, masuuliyiinta Barcelona ayaa go’aan ku gaadhay in ay iskaga baxaan wada-hadalka aan midho dhalka ahayn ee ay waqtiga badan ku lumiyeen ee ay ku doonayaan inay kusii haystaan laacibkan.

Masuuliyiintan oo quus ka istaagay laacibkan oo ay garan la’ yihiin meel ay u jiheeyaan, isla markaana maalinba bixinaya qish nooc kale oo mar uu ku sheegayo inuu doonayo inuu sii joogo, marna uu albaabada ka xidhanayo, ayaa waxay si kama dambays ah u joojiyeen wada-hadalladii laacibkan, sida uu sheegay Mundo Deportivo oo kasoo baxa magaalada Barcelona.

25 jirkan oo qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii hore ahaa xiddiga ugu wanaagsan Barcelona, kaddib bandhig heersare ah oo uu sameeyey, ayaa uu wakiilkiisa Moussa Sissoko uu tiraba dhawr jeer la kulmay Mateu Alemany oo ah agaasimaha ciyaaraha Barcelona, waxaanay ku fashilmeen in ay wax is-faham ah ka gaadhaan in uu laacibkani qandaraaska u kordhiyo Barcelona ka hor inta aan la gaadhin June 30 oo ah waqtiga uu ku egyahay qandaraaskiisa Camp Nou

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*