Shaqada uu Sugayo Zinedine Zidane oo la Cadeeyay Xili Manchester United lala Xiriirinayo

Zinedine Zidane ayaa lagu soo waramayaa inuusan xiiseyneynin inuu bedelo Ole Gunnar Solskjaer oo ah tababaraha Manchester United , taas bedelkeedana uu sugayo shaqada France .

49-sano jirkaan ayaa la rumeysan yahay inay tixgelinayaan Red Devils haddii Solskjaer laga qaado xilkiisa, Macalinka ayaa ku dhibtoonayo inuu natiijooyin joogto ah ka keeno Old Trafford.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay ESPN , tababarihii hore ee Real Madrid inuusan Xiiseeneynin inuu qabto Man United.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Zidane bedelkeeda uu sugayo shaqada France, taasoo noqon karta mid banaan ka dib Koobka Adduunka ama Euro 2024 ee sanadka soo socda.

Tababaraha reer France ayaa dib ugu soo laabtay shaqada kooxda Real Madrid bishii March ee sanadkii 2019, waxaana uu ku riyaaqay guulo waaweyn labadii xilli ciyaareed ee uu joogay kooxda, isagoo kula guuleystay labo horyaal oo La Liga ah iyo seddex koob oo Champions League ah.

Tababaraha Leicester City Brendan Rodgers ayaa hadda lagu Xamanayaa Man United inay u aqoonsatay hogaamiye u tartamaya qabashada shaqada Old Trafford haddii Solskjaer la cayriyo.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*